4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 24, 2019
Somaliland oo diiday shuruudo cusub oo uu ku soo kordhiyey Sucuudigu dhoofka xoolaha Soomaalida

 

Isniin, June, 24 2019 (HOL)- Wasiirka Xanaanada xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga Xasan Maxamed Gaafaadhi, ayaa sheegay in shuruudo cusub ay ku soo kordhisay dawlada Sucuudigu, taas oo ay ku soo kordhiyeen in waraaqda caafimaadka xoolaha laga qaadanayo dawlada Soomaaliya.

Wasiir Gaafaadhi ayaa sheegay in hadii sidii hore ku dhoofi waayaan xoolaha Somaliland inay gabi ahaanba joojin doonaan inay xoollo u dhoofiyaan Sucuudiga, taas oo uu sheegay inay isla qaateen ganacstadda xoolaha dhoofiya iyo xukuumaddu.

Sidoo kale, waxa uu xusay inay jiraan dad baryahanba waday inay lacag ku qaataan waraaqda caafimaadka oo dhabarka galinayey Soomaaliya si ay xafiisyo uga furtaan Somaliland iyo Soomaaliya.

“Sucuudigu Wuxuu keenay waraaq muujinaysa inay xoolihii xajku fasax yihiin, warqadaasi waxay wadataa shuruudo cusub intooda badan tahay shuruudo caafimaad, shuruudahaasi waa qaar jiri jirey iyo qaar lagu soo kordiyey, si kastaba ha ahaaatee, waxa waajib ah in shruudah caafimaad wasaaradu dhamaystirto oo ay buuxiso si xoolahaasi ugu gudbaan wadanka Sucuudiga.”ayuu yidhi wasiir Gaafaadhi.

Isagoo ka hadlaya shruuda cusub waxa uu yidhi “Hal shuruudda ah oo cusub ayaa sanadkan ku jira, waxa jiray rag baryahanba wareegayey oo qorshahoogu ahaa inay lacag siyaasado ah ka dul qaadaan xoolaha iyagoo u maraya qaab ururo ah oo fayo dhawrka ilaaliya, iyagoo dawladda Fadaraalka Soomaaliay dhabarka galiyaan ay ka helaan rusqado u saamaxaya inay ku qaataan waraaqda caafimaadinta, waxaana sucuudigu soo saaray in waraaqda ugu dambaysay ee caafimaadinta xoolaheena ay bixin doonto Soomaaliya.”

Wasiirku waxa uu sheegay in haddii qasab lagaga dhigo waraaqdaasi Soomaaliya inay gabi ahaanba joojin doonaan xoolihii ay u dhoofin jireen Sucuudiga, maadaama oo Somaliland tahay dal madax banaan oo aan hoos tagin Soomaaliya. “Waxaanu marka hore u sheegayna in Somalilnad iyo Soomaaliya tahay laba dal oo kala madax banaan oo aanay waxba iskaga jirin, waa marka labaad ee hore umay dhicin in waraaq Xamar laga keenay ay xoolaheenu ku dhoofaan, hadana mid dhacaysa maaha, waxaan cid walba u sheegayna in aanay dekadaheena ka dhoofi doonin cid sidata waraaq laga soo qaatay Soomaaliya, xoolahenu ama sideenii hore bay u dhoofi ama waynu haysanayna oo awalba way xidhnaayeen oo marka xajka uun baa la furi jirey uun, qaranimada ku iibsan mayno iibka xoolaheenna, waxaana arrinkaasi isla qaadanay ganacsatada xoolaha dhoofiya iyo xukuumadaba”ayuu raaciyey hadalkiisa.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.