4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 24, 2019
Ra’iisul wasaare Khayre oo goor dhow u ambabaxay magaalada Dhuusamareeb

Isniin, June, 24, 2019 (HOL)–Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa goor dhow u ambababaxay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad-gobIsniin, June, 24, 2019

Socdaalka ra’iisul wasaaraha ayaa aad loo hadal hayay, waxaana magaalada Dhuusamareeb ku sugan wafdi horudhac u ahaa, iyadoo horey halkaa uu u joogay wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya.

Booqashada ra’iisul wasaaraha ayaa imaanaysa xilli ay xiisad ka taagantahay dowlad-gobolleedka Galmudug  oo kala aragti duwanaasho dowlad-gobolleedka dhexdiisa ay jirto, waxaa kalo uu maamulka khilaaf kala dhexeeya dowladda federaalka.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta shaacisay in doorashada madaxweynaha ee dowlad-gobolleedka Galmudug la qabanayo bisha soo aaddan ee July ,balse wuxuu muran ka taaganyahay halka ay doorashada ka dhacayso.

Muddada uu joogo ra’iisul wasaare Khayre magaalada Dhuusamareeb , waxaa la sheegay inuu la kulmayo madaxa xukuumadda Galmudug iyo mas’uuliyiinta kale ee maamulka kaga sugan Dhuusamareeb.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]