4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 23, 2019
Dowladda Soomaaliya oo garab istaagtey xukuumadda RW Abiy Axmed ka dib afgembigii dhicisoobay

Axad, June, 23, 2019 (HOL)– Dowladda Soomaaliya ayaa saacado kaddib ka hadashay in-qilaabkii fashilmay ee ka dhacay maamulka waqooyiga Itoobiya ee Amxaarada,iyadoo war-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya lagu cambaareeyay afgembigaa.

Dowladda Soomaaliya, waxaa ay caddeysay in ay garab istaagayso , midnimana u muujineyso xukuumadda uu hoggaamiyo Ra'iisul wasaare Abiy Axmed oo marxalad adag wajaheysa.

"Madaxweynaha wuxuu cambaareynayaa isku dayga afgembi ee gobolka Amxaarada, waxana uu garab taagan yahay shacabka Itoobiya." ayuu dhanka kale ku yiri qoraal uu ku baahiyay bogga Twitter, madaxa warfaafinta ee xafiiska madaxweyne Farmaajo.

Isku-deyga afgembi ee guul-darreystay waxaa ku dhintay madaxweynihii gobolka Amxaarada , Ambachew Mekonne iyo la-taliyihiisa oo isna ku geeriyooday weerar ka billowday fidnimadii ay Sabtidu baxeysay magaalada xarunta ah ee Bahir Dar. Xeer ilaaliyaha guud ee gobolkaas, Asamnew Tsige ayaa sidoo kale lagu soo warramaya in uu si daran ugu dhaawacmey qalalaasahaasi.

Sidoo kale, taliyihii guud ee ciidammada milateriga Itoobiya, Seare Mekonnen ayay ilaaladiisa ku toogteen gudaha hoygiisa ee caasimadda Addis Ababa isla habeenkaas, markii uu isku dayey in uu fashiliyo afgambiga oo abaabul xooggan uu ka muuqday.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]