4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 23, 2019
Taliska ciidanka xoogga Soomaaliyeed oo maanta billaaabay wejiga labaad ee dib-u-habaynta Ciidammada

Axad, June, 23, 2019 (HOL)–  Ra’iisu Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa goobjoog ka ahaa munaasabadda lagu shaacinayay bilaabshada wejiga labaad ee dib-u-habaynta ciidamada oo ka dhacdaytaliska ururka lixdanaad ee ilaalada madaxtooyada.

Wejiga labaad ayaa ka koobnaa ku hubinta ciidammada goobihii lagu diiwaangeliyay ee dhammaan gobollada dalka  iyo qiimeyn guud oo lagu sameynayo tayada ciidammada si loogu saleeyo dhameystirka baahida ciidanka.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Janaraal Daahir Aadan Cilmi (Indho Qarshe) ayaa xukuumadda iyo taliskaba ku ammaanay guusha ay ka soo hooyeen dib-u-habaynta ciidammada wejigii koowaad oo lagu hergeliyay diiwaangelinta, tirakoobka iyo dejinta nidaamka mushaar bixinta CXDS oo ciidamda lagu siiyo xisaabaadkooda bangiyada.

Taliyaha ayaa saraakiisha CXDS ku amray in ay la shaqeeyaan saraakiisha ku howlan qorshaha dib-u-habaynta ciidamada ee booqanaya oobaha ay ciidmada ku suga yihiin.

"Taliska ciidanka xoogga dalka ayaa waxaa ka go’an in uu ku guulaysto dib-u-habaynta ciidamada qalabka Sida oo qayb ka ah halbeegyada ugu muhiimta tubta amniga iyo caddaaladda." ayaa lagu yiri qoraal uu baahiyay taliska.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]