4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 23, 2019
Madaxweynaha Galmudug oo caawa ku hoyanaya deegaan ka baxsan Dhuusamareeb

Axad, June, 23, 2019 (HOL)– Madaxweynaha dowlad-gobolleedka Galmudug, Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa galinkii dambe ee Axadda maanta gaaray deeegaanka Godinlabe ee gobolka Galgaduud.

Waxaa socdaalka lagu tilmaamay muddo kaddib markii ugu horreysay oo madaxweyne Xaaf, uu ku hoyanayo deegaan ka baxsan magaalada xarunta ah ee Dhuusamareeb, iyadoo warar deegaanka laga helayo ay sheegayaan inuu galinkii hore ee Isniinta berri uu gaari doono magaalada Cadaado.

Ilaa hadda ma jirto hadal uu warbaahinta siiyay madaxweynaha Galmudug tan iyo markii uu ka soo ambabaxay Dhuusamareeb , waxaana caawa ay ku warrantay warbaahinta maxalliga ah in uu doonayo in uu fariisin ka dhigto magaalada Cadaado.

Degmada Dhuusamareeb ee xarunta u ah dowlad-gobolleedka Galmudug, ayaa wararka laga helayo waxaa ay sheegayaan in halkaasi ay maanta gaareen wafdi hordhac u ah Ra’iisul Wasaare Kheyre oo la filayo in uu booqdo magaaladaas inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin xilliga uu tegayo.

Socdaalka madaxweynaha kaddib ayaa dadka fallanqeeya siyaasadda gobolka waxay u arkaan inay arrintan sii fogeynayso khilaafka iyo kala qeybsanaanka maamulka ee muddada taagan.

Intaa waxaa dheer inuu jiro wal wal kale oo laga qabo kala fogaanshaha madaxweynaha maamulka iyo madaxa xukuumadda ee dowlad-gobolleedka, halka ay horeyba uga soo horjeestey madaxweynaha Galmudug Xaaf -guddoomiyihii Baarlamaanka iyo Madaxweyne ku xigeenkiisii.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]