4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 23, 2019
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo wadahadallo laba geesood ah kula yeeshay magaalada Beijing dhiggiisa Shiinaha


Axad, June, 23, 2019 (HOL)– Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya,Axmed Ciise Cawad ayaa wadahadal laba dhinacle ah maanta kula yeeshay dhiggiisa Shiinaha ,Wang Yi , Caasimadda Beijing.

"Wasiirka Arrimaha Dibadda , Axmed Cawad waxa uu ammaanay kaalinta Shiinaha ee difaaca Arrimaha Afrika ee fagaarayaasha caalamiga iyo xal u helidda dhibaatooyinka walwalka leh ee dadka qaaradda haysta, si gaar ah kuwa la xiriira nabadgelyada, ammaanka iyo horumarka." ayaa lagu yiri qoraal laga soo saaray kulanka.

Waxa uu tilmaamay xiriirka qotada dheer ee Soomaaliya iyo Shiinaha ka dhexeeya iyo sida laga maarmaanka ay u tahay in laga shaqeeyo horumarinta iskaashigaasi wax wadaagga dhinacyada kala duwan leh, si gaar ah dhaqaallaha, ganacsiga, ka faa'ideysiga waayo-aragnimada Shiinaha  ee dhinacyada horumarinta kaabayaasha, waddooyinka, tamarta, tiknoolajiyadda, dalxiiska, beeraha, caafimaadka, sayniska, dhaqanka, shidaalka iyo gaaska, taas oo gacan ka geysan karta xoojinta iyo ka guul keenidda "Qorshaha Horumarinta Qaranka. "

Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda China Wang Yi waxa uu carabka ku dhuftay sida dalkiisu ugu faanayo xiriirka taariikhiga ah ee kala dhexeeya Soomaaliya ee dhinacyo kala gedisan leh, si gaar ah siyaasadda iyo ganacsiga, iyo sidoo kale isku dhowaanshaha aragtiyada iyo mowqifyada labada dal ay ka kala qaataan arrimaha caalamiga iyo kuwa gobolka.

"Dhammaadka wadahadalka diblomaasiyadeed ee salka ballaaran, Soomaaliya iyo China waxa ay kala saxiixdeen heshiis ku qotoma iskaashiga dhaqaalaha iyo farsamada." ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]