4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 23, 2019
Guddoomiyihii maxkamadda sare ee Puntland oo geeriyooday



Axad, June, 23, 2019 (HOL)–Guddoomiyihii maxkamadda sare ee Puntland, Yuusuf Xaaji Nuur ayaa ku geeriyooday isbitaal ku yaalla dalka Turkiga oo muddooyinkii dambe ay daaweyn uga socotay.

Marxuun Yuusuf Xaaji , ayaa horey xaalad caafimaad loogu geeyay dalka Turkiga , markii uu xannuun ku soo booday,waxaana sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha uu maanta ku dhintay isbitaalkii lagu dabiibayay.

Wuxuu tan iyo aasaaskii Puntland ku soo jiray marxuunka geeriyooday gorsoorka sare ee Puntland, iyadoo sannadkii 1998dii oo ah xilligii la dhisay Puntland uu noqday guddoomiyaha maxkamadda sare, kaddib wuxuu si kumeelgaar ah u noqday Madaxweyne.

Bishii Agoosto ee sannadkii 2016kii ayaa dib waxaa guddoomiyaha maxkamadda sare ugu magacaabay, madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Gaas.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online