4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 23, 2019
Maxaa ka soo kordhay xaalada Galmudug iyo wada –hadallada Dhuusa-Mareeb

 

Axad, June, 23, 2019 (HOL) – Wararka naga soo gaaraya degmada Dhuusa-Mareeb ee gobolka Galguduud ayaa sheegaya in uu halkaa isaga tagay madaxweynihii maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf oo la sheegay uu u anbabaxay dhinaca magaalada Gaalkacyo.

Wararka ayaa intaa ku daray madaxweynaha ay u sii galbiyeen degmada Gaalkacyo ciidamo labadii cisho ee la soo dhaafay ku sugnaa dulleedka degmada Dhuusa-Mareeb oo markii horeba ka soo anbabaxay degmada Gaalkacyo.

Madaxweyne Xaaf ayaa iska diiday in uu la kulmo wafdi ka socda dowladda Soomaliya oo uu horkacayo Wasiirka Wasaarradda Arrimaha Gudaha xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye oo labadii maalmood ee la soo dhaafayba ku sugnaa degmada Dhuusa-Mareeb.

 

Wasiirka ayaa dhinaca kale kulamo la qaatay mas’uuliyiinta maamulka Ahlu Sunna ee ku biiray maamulka Galmudug, gaar ahaan waxaa ay Wasiirku is arkeen madaxda xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir oo horay u ahaa hoggaamiyihii Ahlu Sunna Waljameeca.

Dowladda Soomaaliya ayaa rabta in ay ku qanciso madaxda Galmudug in doorashada maamulkaasi ay ku dhacdo waqtigii loogu –tagalay 4ta bisha July ee nagu soo foolka leh, taasoo uu ka biiyo diiday madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Laakiin hadda waxaa muuqanaya in mas’uuliyiinta Galmudug aysan isku aragti ka wada aheyn qorshaha dowladda iyo go’aanka Wasaarradda Arrimaha Gudaha ee xiliga doorashada oo qaarkood la sheegay in ay soo dhaweynayaan.

Waxaa soo ifbaxaya baaqyo kala duwan oo loo jeedinayo dowladda dhexe iyo maamulka Galmudug, iyadoo laga digayo gacan hadal ka dhashay khilaafka maamulka dhaxdiisa ah iyo waliba qorshaha dowladda federaalka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]