4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 23, 2019
Marekanka oo weerarray Iiraan

Axad, June, 23, 2019 (HOL) -   Saraakiil ka tirsan dowladda Marekanka ayaa sheegay in madaxweynaha dalka Marekanka, Donald Trump uu si qarsoodi ah u bixiyay ogalaashaha weerar dhanka internerka ah oo milateriga Marekanka ku qaaday kombuuyutarrada ilaalada kacaanka ee dalka Iiraan,sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AP oo xigatay saraakiil ka tirsan dowladda Marekanka.

Weerarkaa ayaa lagu curyaamiyay hannaanka kombuyuutarrada ee ilaalada kacaanka ee Iiraan oo muhiim u ah maamulka gantaallada dalka Iiraan, sida ay sheegeen saraakiisha oo ka gaabsaday magacyadooda, maaddaama aan loo fasaxin inay xogtaan bixiyaan.

Milateriga  Marekanka ayaa Viruska Stuxnet ku furay kombuuyuturrada  ilaalada kacaanka ee Iiraan,taasoo u sahashay inuu gudaha u galo oo xogta ku jirta kala boxo, kaddibna curyaamiyo ama joojiyo shaqooyinkii ay hayeen.

Dowladda Iiraan ilaa hadda kama aysan hadlin sheegashada Marekanka, balse waxay tani ku soo aadday xilli hoggaanka dalka Iiraan uu dhowaan sheegay in adeegga internetka ka jareen kombuyuutarrada milateriga si ay uga hortagaan in la jabsado.

Tallaabadan ayaa timid maalin kaddib markii madaxweynaha Marekanka, Donald Trump uu sheegay inuu baajiyay weerar dhanka cirka ah oo ciidammada Marekanka ku qaadi lahaayeen Iiraan, si ay uga aargoostaan diyaaraddii looga soo ridday gacanka Hormuuz toddobaadkii hore.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]