4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 23, 2019
3 qof oo ku dhintay shil ka dhacay magaalada Muqdisho

Axad, June, 23, 2019 (HOL) -   Ugu yaraan saddex ruux ayaa geeriyooday shan kalana waa ay ku dhaawacmeen shil ka dhacay degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha.

Shilkan ayaa waxaa uu yimid kaddib markii ay isku dhaceen Mooto Bajaaj iyo Gaari nooca xamuulka ah,waxaana hadda goobaha caafimaadka lagu dabiibaya dadkii ku dhaawacmay shilka.

Shilkan ayaa qeyb ka noqonaya dhowr shil oo toddobaadyadii u dambeeyay ka dhacay caasimadda Muqdisho, waxaana inta badan loo aaneeya gaadiidka xamuulka ah oo adeegsada waddooyinka mashqulka badan ee Muqdisho.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]