4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 23, 2019
Wasiirka arrimaha gudaha iyo madaxa xukuumadda Galmudug oo gaaray Matabaan

Axad, June, 23, 2019 (HOL) -  Wararka ka imaanaya deegaanno ka tirsan degmada Matabaan ayaa ku warramaya inay halkaa gaareen wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya, Cabdi Maxamed Sabriye iyo madaxa xukuumada Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir.

Deegaannada ay wafdiga gaareen ayaa muddooyinkii dambe waxaa ka tagneyd xiisad colaadeed ,iyadoo wafdiga ay ka tageen magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud, waxaana ay sii mareen degmada Guriceel.

Ujeeddada socdaalka ayaa lagu sheegay inay la xiriirto sidii loo qaboojin lahaa xiisad colaadeed oo ka dhex taagan xoolo dhaqato ku nool deegaanno ka tirsan degmada Matabaan.

Toddobaadyo ka hor ayaa ku dhowaad lix ruux lagu dilay deegaan ka tirsan degmada Matabaan kaddib markii gaari ay ku safrayeen dadkaasi waddada loo galay,iyadoo dhacdadaa lagu sheegay inay salka ku hayso aano qabiil , waxaana horey dhowr jeer dilal kala gaar gaar ah ay uga dhaceen deegaanadaas.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]