4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 23, 2019
Ethiopia Airline xilliga ay ka billaabayso duulimaadyada Puntland oo la shaaciyay

Axad, June, 23, 2019 (HOL) - Puntland ayaa shaaca ka qaadday xilliga ay diyaaradda Ethiopia Airline duulimaadyo ka billaabayso deegaannada Puntland, kaddib wadahadal duulimaadyada la xiriira oo ay magaalada Addis Ababa dhowaan ku yeesheen mas’uuliyiinta sare ee shirkadda iyo madaxweynaha Puntland.

Wasiirka Wasaarada Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Ilyaas Cumar Lugatoor, ayaa magaalada Qardho ka sheegay in 15ka bisha 7aad ay diyaaradda Ethiopia Airline  duulimaadyo caalami ah ka billaabi doonto garoomada diyaarada ee magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso. Munaasabad lagu waynaynayo billowga duulimaadyadaas ayuu sheegay in lagu qaban doono Puntland.

Billowga duulimaadyada caalamiga ah ayuu ku sheegay inay qeyb ka tahay dedaallada xukuumadda Puntland, isagoo markaa caddeeyay in dib u dayac-tir lagu sameyn doono dhammaan garoomada diyaaradaha Puntland.

Ethiopia Airline  ayaa ka mid ah diyaaradaha caalamiga ah ee duulimaadyada ku taga dhammaan caalamka, waxaa ay horey duulimaadyo uga sameyn jirtay caasimadda Muqdisho iyo magaalada Hargeysa.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]