4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 23, 2019
Doorasho muhiim u ah Erdogan oo ka socota Istanbul

Axad, June, 23, 2019 (HOL) - Madaxweynaha dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan iyo xubno ka mid ah qoyskiisa ayaa codka ka dhiibtay doorashada ku celiska ee duqa magaalada  Istanbul , kaddib markii uu guddiga doorashada wax kama jiraan kasoo qaaday doorashadii dhacday 31-dii bishii Maarso.

Doorashadii magaalada Istanbul ka dhacday saddex bil ka hor, ayaa waxaa tiro aanan sidaasi u badneyn ku helay musharraxa ka socda xisbiga mucaaradka ah ee CHP ninka la yiraahdo Ekrem Imamoglu. Wuxuu ka guuleystay musharraxa xisbiga talada haya ee AKP Ra’iisul wasaarihii  hore Binali Yildirim.

Musharraxa xisbiga mucaaradka Imamoglu, ayaa isaga oo wariyaasha la hadlayay waxyar kaddib markii uu codkiisa ka dhiibtay degmada uu guddoomiyaha kasoo noqday ee Beylikdüzü sheegay, in maanta ay shacabta Istanbul qaadan doonaan go’aanka ugu wanaagsan.

Madaxweyne Erdogan ayaa isna markii uu codkiisa ka dhiibtay degmada uu Istanbul ka daganyahay ee Üskudar, mar kale ku celiyay in doorashadi hore la musuq maasuqay, balse uu rajeynayo in qaladaadki dhacay aysan soo laaban mar kale.

Magaalada Istanbul oo ah magaalada ugu weyn Turkiga sidoo kalana ah caasimadda ganacsiga, ayaa shacabkeeda oo lagu qiyaaso 16 milyan waxay saakay safaf u galeen goobaha cod bixinta saacaddu markii ay aheyd siddeedii subaxnimo, waxaana la filayaa in doorashada ay xiranto galabta shanta xilliga Istanbul. Caawa ayaa lagu wadaa in ay soo baxdo natiijada hordhaca ah, marka lasoo gaba gabeeyo tirinta codadka dhammaan 39-ka degmo ee ay ka koobantahay magaalada Istanbul.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]