4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 23, 2019
Garoowe: Maxkamadda Racfaanka oo dib u dhigtay dhageysiga dacwada rag ku eedeysan dilka iyo kufsiga gabar 12 jir ah

Axad, June, 23, 2019 (HOL) - Maxkamadda racfaanka ee gobolka Nugaal ayaa maalintii labaad maanta dib u dhigtay dhageysiga dacwada rag ku eedeysan dilka iyo kufsiga gabar 12 jir ah oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

Ragga Maxkamadda ay kiiskooda dib u dhageysanayso ayaa maxkamadda darajada koowaad ee gobolka Nugaal, waxaa ay ku riday xukun dil ah, balse racfaan ay ka qaateen xukunkaa ayaa keennay inay dib u dhageysato maxkamadda racfaanka ee gobolka Nugaal.

Maxkamadda ayaa maanta mar kale shaacisay in dib loo dhigay dhageysiga kiiska, iyadoo loo ballamay maalinta Arbacada ee toddobaadkan, markaa oo la filayo maxkamadda inay go’aan ka gaarto kiiskan.

Go’aanka kama dambeysta ah ee maxkamadda racfaanka ay ka qaadaneyso saddex nin oo horey dilka loogu xukumay ayaa aad isha loogu haya, iyadoo tan iyo markii ay dhacdadaan ka dhacday magaalada Gaalkacyo aad loola socday sida ay hay’adaha garsoorka uga go’aan gaarayaan dilka iyo kufsiga gabadha yar ee 12 jirka ah.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]