4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 23, 2019
Duqa Muqdisho oo dhagax-dhigay Waddo Laami ah

 

Axad, June, 23, 2019 (HOL)-Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyeha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisoow) ayaa dhagax-dhigay waddo Laami ah oo laga hirgelinayo isgoyska Cali Kamiin iyo Ifka Xalane oo isku xira jidadka 30ka iyo Warshadaha waana waddadii 9aad oo maamulku dhisayo muddo sanad iyo bar ah.

  Guddoomiyaha ayaa sheegay in dhismaha jidkani uu qeyb ka yahay qorshaha horumarinta Caasimadda ee sanadkan 2019 lagu dhisayo waddooyin dhowr ah oo muhiim u ah isku socodka dadweynaha, gaadiidka iyo bilicda magaalada.

“Waddadan  waa Waddo muhiim ah oo halbowle u ah bulshadda caasimadda daggan, iyada  ayaana u dooranay in la dhiso oo laga dhigo laami Casri ah oo noqoneysa  mid kaalin wax ku ool ah ka qaata bilicda iyo horumarka aan hiigsanayno,  shirkadda dhisayso waxaan leeyahay laamiga waaa in uu ahaado mid sax ah  oo si wanaagsan loo dhisay”.

Eng. Yarisow ayaa sheegay in waddan iyo weliba wadooyinka kale ee laamiga ah ay wax badan ka badaleen bilicda caasimada, isla markaana hagaajinayaan adeegyada Bulshada.

Duqa Muqdisho waxuu tilmaamay in xiligan gacanta lagu hayo dhismooyinka waddooyin dhowr ah iyo xarumo Maamulka oo qaarkood ay gabo-gabo marayaan, kuwa kalana mashruucooda dhismaha uu socdo.

“Waxaan rajeynayaa in sanadba sanadka ka dambeeya horumarku sii siyaado, wadooyinku noo siisiyaadaan, dib u dhiska caasimadduna ku socdo dardar isbedal dhab ah ayaa ku dhici doonta bilicda Muqdisho marka waddooyinkan ay dhameystirmaan”.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa waxaa ku weheliyey dhagax-dhigga Wasiirka Dhalinyarada iyo cayaaraha Soomaaliya iyo qaar kamid ah Guddoomiye-ku-xigeenada Maamulka Gobolka Banaadir.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]