4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 23, 2019
Dowladda Soomaaliya oo howlgalinaysa qalab cusub oo lagu sugayo amniga Muqdisho

Axad, June, 23, 2019 (HOL) -Dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaadday is  isbeddel lagu sameynayo amniga caasimadda Muqdisho, iyadoo muddooyinkii dambe uu wanagsanaa ammaanka magaalada xarunta ah ee Muqdisho.

Wasiirka amniga xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Abuukar Islow Ducaale oo arrimaha amniga ka hadlay ayaa sheegay dowladda inay howlgalin doonto qalab cusub oo ammaanka lagu sugayo, wuxuu inta ku daray qalabkan inuu gacan ka geysanayo in la qafiifiyo xirnaashaha waddooyinka qaar.

“Amniga muhiimadda uu leeyahay waad ogtihiin, waxaan dooneyna in shacabka laga qafiifiyo xirnaaysha waddooyinka ... Meelaha xiran waa Jid caddayaasha oo kaliya jid cadde kastana Askari lama geyn karo marka qalab casri ah ayaana keeney oo amniga lagu xaqiijinayo,halla dulqaato amniga qorsheyaal badan ayaa nooga dagsan.” ayuu yiri wasiirka amniga Soomaaliya.

Inta badan cabasho ayaa ka timaada xirnaashaha waddooyinka qaar ee Muqdisho oo muhiim u ahaa isu socodka bulshada, balse dowladda ayaa ku sheegtay waddooyinka xiran in lagu xaqiijinayo amniga. Isbeddelada cusub ee uu sheegay wasiirka amniga ayaa bulshada rajo galinaya inay mar kale fududaato isu socodka caasimadda Muqdisho.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online

Iman@hiiraan. com