4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 23, 2019
Maxaa ka soo kordhay xaalada Afgambigii dhicisoobay ee dalka Itoobiya

 

Axad, June, 23, 2019 (HOL) -Faah faahinno dheeraad ah oo ka soo baxay isku deygii Afgambi ee dalka Itoobiya ayaa sheegaya in la dilay Madaxii maamulka Amxaarada Ambachew Mekonnen iyo la taliyihiisii oo ka mid noqday mas'uuliyiintii shalay ku dhimatay isku deyga Afgambi.

Geerida ayaa timid kaddib weerary shalay lagu qaaday goob ay ku shirayeen madax ka tirsan is  Maamulka Amxaarada, waxaana sidoo kale ku dhintay taliyihii ciidamada  dalka Itoobiya General l Asamnew Tsige.

Ra'iisal wasaaraha dalka Itoobiya oo arintan ka hadlay ayaa ku tilmaamay weerarka ka dhacay Bahir Dar inuu ahaa afgambi fashilmay.

War ay soo saareen Xisbiga Dimuqraadiga ee Amxaarada ayaa lagu sheegay in General hore oo ka tirsanaa ciidamada Itoobiya Asaminew Tsige iyo Madaxa Ammaanka Amxaarada ay ka dambeeyeen afgambi dhicisoobay oo ka dhacay Bahir Dar.

Abiy Axmed ayaa sannadkii hore loo dooortay Ra'iisal Wasaare, waxa uuna soo afjaray cadaadiskii ka jiray Itoobiya asagoo siidaayey maxaabiistii siyaasadda u xidhnayd. Waxa uu sidoo kale xayiraaddii ka qaaday axsaabta siyaasadda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]