4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 23, 2019
Ciidamada dowladda oo howlgal ka sameeyay gobolka Shabeellaha Hoose

 

Axad, June, 23, 2019 (HOL) – Ciidamada dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa Danab ayaa howlgal ay ka sameeyeen deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose waxaa ay ku soo qabqabteen dad la tuhusan yahay in ay ka tirsan yihiin dagaalamayaasha Ururka Al-shabaab.

Ciidamada Danab boo gaar ahaan howlgalka ka sameeyay degmada Janaale  ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay waxa ay isku balaarinayeen deegaano ka tirsan gobolka Sh/hoose iyadoo ay dowladu wax ka bedeshay qaabkii hore ee ay ciidamadu howlgalada uga sameyn jireen gobolka.

Deegaanno badan oo ka mid ah gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ku xooggan Ururka Al-shabaab iyadoo ay fariisimo ku leeyihiin dhul beereedka ku yaal gobolkaas.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa maalmihii ugu danbeeyayba deegaanno ka tirsan gobolka ka waday howlgal lagula dagaalamayo xoogagga Ururka Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]