4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 22, 2019
Guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan oo kormeeray Xabsiga Dhexe ee magaalada Beledweyne


Sabti, June, 22, 2019 (HOL)- Guddoomiyaha cusub ee maamulka gobolka Hiiraan Cali Maxamed Caraale ayaa kormeerkiisii ugu horeeyay ku tagay maanta Xabsiga dhexe ee magaalada Beledweyne.

Guddoomiyaha ayaa warbixin la xiriirta xaalada xabsiga ka dhageystay taliyaha xabsiga Maxamed Xusseen Guure oo sheegay in xabsiga ay xiligan ku jiraan kuna xiran yihiin 39 maxaabiis ah oo u xiran danbiyo kala duwan.

Sidoo kale taliyaha ayaa sheegay in dhibaatada ugu daran ee xiligan ka taagan xabsiga tahay xannuunka shubanka soo riday qaar ka mid ah maxaabiista, kuwaa oo qaarkood sida uu taliyuhu sheegay loo qaaday goobaha caafimaadka si loogu daweeyo, halka kuwa kalana xaaladooda lagula tacaalayo gudaha xabsiga.

Guddoomiyaha oo warbaahinta kula hadlay gudaha xabsiga ayaa sheegay in ka maamul ahaa xoogga saari doonaan sidii wax looga qaban lahaa xaaladaha kala duwan ee ka jira xabsiga, isaga oo uga mahad celiyay taliyaha iyo ciidamadii ku sugnaa sida ay ugu dhabar-adeygeen howlaha shaqo oo ay hayaan bulshada xili ay jiraan daruufo kala duwan.

''Daruufaha ka jira xabsiga, waxaan oran karaan, waa kuwo caafimaad, dhaqaale iyo daryeel la'aan intaba, maxaa yeelay maxaabiistu waxey u baahan yahay yihiin daryeelkii Bani'aadannimo, haddii ay danbiilayaal yihiin macnaheedu ma'aha in aysan xaquuq laheyn'' ayuu yiri guddoomiye Cali Maxamed Caraale.

Guddoomiyaha ayaa ku wareejiyay taliyaha xabsiga deeq raashin ah oo loogu tala-galay in loo isticmaalo baahiyaha ka jira xabsiga, isaga oo dhanka kale balanqaaday in ka maamul ahaa wax ka qaban doonaan guud ahaanba biyaha ka jira gudaha xabsiga.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]