Magaalada Hargeysa oo laga daah-furey shirweyne lagu gorfaynayo horumarinta Hay’adaha Maaliyadeed ee dalka ka jira
Sabti, June, 22 2019 (HOL)- Magaalada Hargeysa ayaa maanta lagu daahfurey shirweyne ballaadhan oo lagu gorfeynayo horumarinta hay’adaha maaliyadeed ee dalka ka jira, kaas oo ay soo qabanqaabiyeen wasaaradda horumarinta maaliyadda iyo Baanka dhexe ee Somaliland.
Shirkan oo ujeeddadiisu tahay
dardargelinta, kobcinta, wada-shaqaynta, is fahanka iyo habkii la isugu xidhi
lahaa hay’adaha maaliyadeed ee dalka, islamarkaana laga dhigi lahaa kuwa isla
jaanqaada oo ka wada-tashada sidii looga gudbi lahaa caqabadaha kala duwan ee
ku gedaaman, ayaa waxa ka qaybgalay dhammaanba Bangiyada gaarka loo leeyahay ee
dalka ka jira, shirkadaha Caymiska iyo is-gaadhsiinta, xubno kamid ah
wasiirradda qaranka, Wakiillo ka socday dalalka Turkiga, Jabuuti iyo Itoobiya,
khubaro caalami ah oo ku xeeldheer arrimaha maaliyadda, ayaa si qotodheer loogu
gorfeeyey sidii qaranku u yeelan lahaa hay’ado maaliyadeed oo dhinac walba ka
horumarsan, isku xidhan oo la jaanqaadi kara kuwa caalamka ka jira.
Xubno kamid ah hay’adaha arrimaha
maaliyadda ka shaqeeya ee dalka ka jira, Baananka gaarka loo leeyahay ee
Somaliland gudaheeda ka jira, qaar kamid ah masuuliyiinta shirkadaha gaarka ah
iyo ganacsato waaweyn oo reer Somaliland ah oo ugu horrayn madasha ka hadlay,
ayaa si isku mid ah u sharraxay baahida loo qabo in horumar ballaadhan iyo dib
u habayn lagu sameeyo hay’adaha dhinaca maaliyadda ka shaqeeya ee dalka,
islamarkaana wax ka-beddel lagu sameeyo shuruucaha maaliyadeed dalka, lagana
dhigo kuwa suurogelin kara in si fudud loo maalgelin karo dalka, bulshaduna ay
heli karto habab casri ah oo ay lacagtooda ku kala heli karaan.
Wasiirka wasaaradda horumarina
maaliyadda Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire iyo guddoomiyaha Baanka dhexe Prof.
Cali Ibraahim Jaamac (Baqdaadi) oo madasha hadallo ka jeediyey, ayaa ku
dheeraaday sida ay xukuumadda ahaan ugu go’an tahay inay hirgeliyaan hay’ado
maaliyadeed oo isku xidhan, islamarkaana si hufan u wada shaqeeya, waxana ay
hay’adaha gaarka loo leeyahay ee dhinaca maaliyadda ku hawllan ka codsadeen
inay dardargeliyaan wada-shaqaynta dhexdooda iyo isfahamkoodaba.
“ Waxa aannu aaminsannahay oo
aannu raacsannahay inuu dalku hore u mari karo oo kaliya marka ay hirgalaan
hay’addo maaliyadeed oo madax bannaan oo xooggan iyo wasaaraddii iyo baankii
dhexe oo shuruucdii iyo kormeerkii oo kaliya leh, waxana aannu aad iyo aad u
jecelnahay inaanu Isfahan buuxa yeelanno hay’adaha maaliyadda ee madaxa
bannaan.”ayuu yidhi madaxweyne Biixi.
Madaxweynuhu waxa uu hay’adaha
gaarka loo leeyahay ee dhinaca maaliyadda inuu saaran yahay waajib weyn oo
qaran, maadaama oo ay dhaqaalihii gacanta ku hayaan, “Baananka madaxa bannaan
oo ka hor dhashay kuwa dawladda waxa saaran xil weyn oo ka duwan ka ganacsi ee
ay u abuuran yihiin oo ah xil qaran, marka aynnu doonaynno inuu dalku hore u
maro masuuliyadda koowaad iyagaa leh, waayo dhaqaalihii xoogganaa iyagaa leh,
marka aynnu doonaynno inuu shaqo-abuur samaynno oo aynnu dhallinyarada shaqo
la’aanta ka saarnona masuuliyad dheeraad ah baa idin fuulaysa,” ayuu yidhi
madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
Sidoo kale, waxa uu madaxweynuhu
sheegay in xukuumad ahaan diyaar u yihiin inay si dabacsan oo macquul ah kula
shaqeeyaan hay’adaha maaliyadda ee madaxa bannaan, islamarkaana hay’adaha looga
baahan yahay inay da’yarta aqoonta leh shaqo abuur u sameeyaan.
Dhinaca kale, madaxweynuhu waxa
uu socdaal kedis ah oo indho-indhayn ah ku tegay suuqa sarrifka ee badhtamaha
caasimadda Hargeysa, waxana uu soo indho indheeyey suuqaas oo ay si habsi leh
uga socotay hawsha sarrifku, isaga oo xubno kamid ah bulshada sarrifleyda ahna
ka dhegaystay warbixinno ay kaga warramayaan isbeddelka sarrifka iyo kor-u-kaca
ku yimi lacagta Shilinka Somaliland.
Dadweynaha ayaa madaxweynaha ka
codsaday inuu wax ka qabto maceeshadda qaaliga, waxaanay sheegeen inuu faraq
weyni u dhexeeyo sarifka lacagta iyo qiimaha raashinka, halka sarifkii hoos u
dhacay ay waajib tahay in maceeshaduna hoos ula dhacdo si ay iskula
jaanqaadaan.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.