4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 22, 2019
Isku shaandheyn kooban oo lagu sameeyey masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland

 

Sabti, June, 22  2019  (HOL)- Madaxweyaha Somaliland ayaa maanta xil ka qaadis iyo magacaabis ku sameeyey xubno ka tirsan xukuumaddiisa, gaar ahaan wakiiladda u jooga dalalka dibadda.

Madaxweyne Biixi ayaa xilkii ka qaaday ku xigeenka xafiiska Somaliland ku leedahay Itoobiya Maxamed Cabdikariim Cumar Ismaaciil iyo wakiilka Somaliland u fadhiya Shiinaha Maxamuud Saleebaan Ciise (Mingiste), halka Cawil Ibraahim Cali loo magacaabayWakiilka Xafiiska Ganacsi ee Somaliland ee Dalka Shiinaha.

“Sida aad la socotaan, xilka Qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo loo igmado hadba ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad u hayseen Qaranka.Waxaan idiinka mahadcelinayaa muddadii aad hayseen xilalka Qaranka ee kor ku xusan.”ayaa lagu yidhi qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweynaha.

Sidoo kale, waxa uu xilal u magacaabay Maxamuud Xaamud Cumar oo laga dhigay Guddoomiyaha Gobolka Badhan, halka Cabdiraxmaan Axmed Muuse laga dhigay Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Badhan

Dadweynaha Somaliland ayaa maalmahan hadal hayey isku shaandheyn la sheegayey in lagu samayn doono golaha wasiiiradda, taas oo ay filayeen isbedel ku dhaca golaha Xukuumadda Somaliland, maadaama oo la saluugsan yahay golaha wasiiraddan ee hadda jooga.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.