4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 22, 2019
Macquul ma tahay in Xildhibaano badan xil gudasho la’aan loo ganaaxo?

 

Sabti, June, 22, 2019 (HOL)-Mar kale ayuu kulan ay lahaayeen Golaha Shacabka wuxuu u baaqday tirada mudaneyaasha soo xaadiray Golaha oo ku filnaan weysay qabsoomida kulanka awgeed.

Waxaa golaha yimid 123 oo macnaheedu yahay ma furmi karo kulanka hadii aan loo helin 16 mudane taasoo ka dhigeysa tirada kulan uu ku furmi karo 139 mudane.

Muhiimadda kulanka baaqday uu lahaa waxaa laga fahmi karay markii laga dalbaday Xildhibanadii joogay in ay wacaan saaxiibadooda magaalada joogay! balse ma suurtagalin midaa.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal ayaa habdhore-yaasha Golaha ka dalbaday in Xildibaanada cudur daar la’aanta u maqan ay Magacyadooda u gudbiyaan guddiga anshaxa si talaabo looga qaado.

Xildhibaanada qaar ayaa ku doodaya in mudaneyaasha aan Golaha soo xaadirin go’aan laga gaaro.

Nurre Mohamed Ali
[email protected]