4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 22, 2019
Midowga Yurub oo cunaqabatayn ugu hanjabay Turkiga

Sabti, June, 22, 2019 (HOL) – Dalalka Yurub ee ku bahoobbay ururka Midowga Yurub ayaa ku hanjabay inay cunaqabatayn saari doonaan dalka Turkiga, haddii uusan ka laaban go'aanka uu qodidda shidaalka iyo gaaska dabiiciga ahi ee uu ka wado meel u dhow biyaha dalka Qubrus ee barigga badda Mediterranean-ka.

Midowga Yurub tallaabada wuxuu ku sheegay mid sharci darro ah,iyadoo Turkigana uu ku tilmaamay in ceelashaasi shidaalka uu ka qodayo gudaha dalkiisa, si waafaqsan shuruucda caalamiga ahi.

Madaxa golaha Midowga Yurub Jean-Claude Juncker ayaa go'aanka Turkiga ku tilmaamay mid gebi ahaanba aan la aqbali karin,waxaana hadalkan uu ku soo beegmaya xilli magaalada Brussels uu shir uga socdo Midowga Yurub.

Turkiga ayaa khamiistii la soo dhaafay Qubrus u diray markab labaad oo ah kuwa lagu qodo ceelasha shidaalka.Jamhuuriyadda Qubrus ayaa xubin ka ah Midowga Yurub balse woqooyiga Qubrus oo ka go'day jamhuuriyaddaasi ayaa gacansaar weyn la leh dalka Turkiga.

Golaha Midowga Yurub oo ay ku mideysan yihiin hoggaamiyeyaasha waddamda reer Yurub ayaa Turkiga ugu baaqay in uu joojiyo arrintaasi isla markaana uu ixtiraamo madaxbannaanida dhuleed ee Qubrus.

Warbixin qoraal ah oo laga soo saaray kulanka reer Yurub ee Brussels ayaa lagu sheegay in "golaha reer Yurub uu ansixinayo baaqa ku wajahan guddiga reer Yurub iyo wasaaradaha arrimaha dibadda ee waddamada reer Yurub ee ah in ay soo hindisaan tallaabooyinka ugu habboon sida in la qaado tallaabooyin leh bartilmaameed cayiman."

Dalka Turkiga ayaa ah dalka kaliya ee aqoonsan Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Qubrusta Turkiga ee woqooyiga, taa oo aan laga aqoonsaneyn dunidda inteeda kale.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]