4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 22, 2019
Tartanka xulalka kubadda cagta ee Afrika oo ka furmay dalka Masar

Sabti, June, 22, 2019 (HOL) – Tartanka kubadda cagta ee xulalka Afrika ayaa xalay si rasmi ah uga furmay magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar,iyadoo xaflad furitaanka ah halkaa lagu qabtay ka hor inta aysan dhicin kulanka u horreeyay ee tartanka oo u dhaxeeyay xulalka Masar iyo Zimbabwe.

Xulka kubadda cagta ee Masar ayaa guul 1-0 ah ka gaarey dhiggooda dalka Zimbabwe, kulankaa oo ka tirsan guruub A. Xulka tartanka martigelinaya ee Masar ama Egypt ayaa daqiiqadihii dambe ee qeybtii hore la yimid goolka ay guusha ku qaadeen, kaaso furitaan u noqday ciyaarta iyo guud ahaan tartanka, waxaana u dhaliyay ciyaaryahanka Mohmoud Ahmed oo loogu yeero Trezeguet.

Masar ayaa guushii ugu horreeysay ka gaartay tartanka, halka xulka Zimbabwe uu la kulmay guul-darrada ugu horreeysay ee tartanka.

Kumannaan qof oo gaaraya 74,00 ayaa isugu soo baxay daawashada ciyaartii koowaad iyo furitaanka tartanka oo lagu ciyaarayo inta uu socdo siddeed garoon oo ku kala yaal dalka Masar. Waxaana loo aqoonsan doonaa tartankan midkii u horreeyay oo 24 xul oo Afrika ah ay ka qeybgalayaan, sidoo kale waxaa koobka uu noqonaya midkii u horreeyay ee qaaradda oo la ciyaaro bilaha xagaaga ee hadda lagu jiro.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online