4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 22, 2019
Maxkamadda Racfaanka ee gobolka Nugaal oo maanta go'aan ka gaaraysa rag ku eedeysnaa dilka iyo kufsiga gabar 12 jir ah

Sabti, June, 22, 2019 (HOL) – Maxkamadda racfaanka ee gobolka Nugaal ayaa maanta loo ballansanyahay inay go'aan ka gaarto kiiska gabar 12 jir ah oo lagu kufsaday luguna dilay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Maxkamadda racfaanka ayaa fadhiga ugu horreeyay ka yeelanaysa ragga ku eedeysan kiiska, kaddib markii qareennada u dooddaya saddex eedeysane oo maxkamadda darajada koowaad horay xukun dil ah ugu ridday ay racfaan ka qaateen xukunka.

Waxaan la ogeyn go'aanka ay kiiskan ka gaari karto maxkamadda racfaanka, balse marka ay uu xukunka ka gudbo maxkamadda racfaanka ee gobolka Nugaal ayaa lagu wadaa inuu u gudbo maxkamadda sare ee Puntland oo go'aanka u dambeeya ka gaaraysa.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online

[email protected]