4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 22, 2019
Wararkii ugu danbeeyay dagaal beelleed ka dhacay gobolka Hiiraan

 

Sabti, June, 22, 2019 (HOL) –Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxay dagaal culus oo labo maleeshiyo beelleed ku dhaxmaray deegaan hoostaga degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Dagaal oo dhaxmaray maleeshiyaad ka ka soo kala jeeda gobollada Hiiraan iyo Galguduud ayaa inta la xaqiijinayo waxaa ku dhintay ilaa Shan ruux oo sida la sheegay ay ka mid ahaayeen dad shacab ah oo aan hubeysneyn.

Dagaalka labada dhinac ayaa salka ku haya Aargoosi qabiil, iyadoo dhowr jeer oo hore sidan oo kale ugu dagaalamay qeybo ka mid ah gobolka.

Ilaa iyo hadda lama sheegin wax waan waan oo laga dhax wado dhinacyada dagaalku dhaxmaray, hasse ahaatee waxaa jiray isku dayo dhowr jeer oo hore la doonayay in lagu joojiyo colaada labada dhinac oo guul-dareystay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]