4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 22, 2019
Baarlamaanka oo maanta u codeynaya hindise sharciyeedka dhismaha guddiga la dagaalanka Musuqa

 

Sabti, June, 22, 2019 (HOL) - Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta oo Sabti waxaa ay kulankoodii caadiga ahaa ku yeelanayaan Xarunta Golaha Shacabka ee Magalada Muqdisho.

Xildhibaananada Golaha Shacabka ayaa xalay lagu wargeliyay in maanta oo Sabti ah uu jiro kulanka Baarlamaanka,isla markaana ay soo xaadiraan .

Ajendaha kullanka xildhibaanada Golaha Shacabka ee maanta ayaa ah u codeynta hindise sharciyeedka dhismaha Guddiga ladagaalanka Musuq.

Kulamadda xildhibaanadda ayaa baaqanayay maalmihii ugu dambeeyay, waxaana Gudoomiyaha Golaha Shacabka uu ku baaqay in xildhibaanada ay soo xaadiraan kulanka, islamarkaana cidii maqnaata lala xisaabtami doono.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]