4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 21, 2019
Wararkii ugu danbeeyay ee wada hadallada degmada Dhuusa-Mareeb

 

Jimco, June, 21, 2019 (HOL)–Magaalada Dhuusa-Mareeb ee xarunta ah u maamulka Galmudug waxaa ka soconaya kulamo ay halkaa ku leeyihiin wafdi uu horkacayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Maxamed Cabdi Sabriye iyo mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan maamulka Galmudug.

Dowladda Soomaaliya ayaa u muuqata in ay ku adkeysaneyso meelmarinta go’aankeeda la xiriira mudo xileedka madaxda Galmudug oo ay dowladdu sheegtay in ay ku egtahay 4-bisha July ee nagu soo foolka leh.

Warar hoos oo soo baxaya ayaa sheegaya in madaxda Galmudug ee ku wada sugan degmada Dhuusa-Mareeb siweyn ugu kala qeybsan yihiin go’aanka dowladda, waxaana wararku sheegayaan in garabka Ahlu Sunna ee horay uga biiray maamulka Galmudug soo dhaweynayaan Warka ka soo baxay Wasaarradda Arrimaha gudaha ee mudo xileedka Galmudug.

Balse madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo khliaaf weyn uu kala dhaxeeyo madaxda ugu sareysa dowladda Soomaaliya ayaa ka biyo diidan go’aanka ka soo baxay Wasaarradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya isaga oo u arkaya go’aannada dowladda ee ka dhanka ah Galmudug fara-galin iyo burburinta jirintaanka maamulka uu madaxweynaha ka yahay.

Mas’uuliyiinta garabka Ahlu Sunna ee ku biiray Galmudug iyo madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa la sheegay in ay ku kala qeybsameen in wada hadalo lala furo wafdiga Wasiirka, iyadoo kol hore ee maanta Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Galmudug looga mamnuucay deegaannada uu maamulka ka arimiyo in ay soo galaan mas’uuliyiin ka socta dowladda Soomaaliya.

Laakiin go’aankaa waxba kama hergalin kaddib markii galinkii danbe ee maanta degmada Dhuusa-Mareeb ay gaareen Wafdi heer sare ah oo ka socda dowladda, taasoo muujineysa in Galmudug ku mideysneyn go’aanka mamnuucista mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya.

Wada hadallada ayaa wali ka sii soconaya Dhuusa-Mareeb, lamana oga ugu danbeyntii halka ay saldhigan doonto xiisada siyaasadeed ee Galmudug iyo dowladda Dhexe oo in muddo ahba soo jiitameysay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]