4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 21, 2019
Wasiirka Arrimaha Gudaha dowladda federaalka oo gaaray Dhuusa-Mareeb

 


Jimco, June, 21, 2019 (HOL)–Wasiirka Wasaarradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye iyo Wafdi uu horkacayo ayaa gaaray degmada Dhuusa-mareeb wax yar uu kaddib markii uu soo baxay warka ku saabsan in mas’uuliyiin ka tirsan dowladda tagi karin deegaannada Galmudug.

Ka hor inta aysan cagadhigay diyaaradii siday Wasiirka ayaa waxaa soo baxay warar sheegaya in garoonka ay la wareegeen ciidamo daacad u ah madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, hasse ahaatee Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa ka degay garoonka oo si diiran loogu soo dhaweeyay.

War ka soo baxay Madaxtooyada Galmudug ayaa lagu faray Shirkadaha diyaaradaha in aanay soo qaadi karin Mas’uuliyiinta dowladda Federaalka ee ka imaanaya Muqdisho, hase ahaatee amarkaas ayaa ka dhaqan geli waayay magaalada Dhuusamareeb oo ay ku xooggan yihiin Ahlu Suna.

Waxaa sii xoogeynaya xiisada siyaasadeed ee u dhaxeysa maamul gobolleedka Galmudug iyo dowladda dhexe ee federaalka, kaddib markii Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ay soo saartay war saxaafadeed ku aadan doorashada Galmudug, in la qabto shirweyne dib u heshiisiin iyo in muddo xileedka Madaxda Galmudug ay ku egtahay 4-ta July.

 C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]