4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 21, 2019
Aas qaran oo Abwaan Singub AUN loogu sameeyay magaalada Jigjiga

 

Jimco, June, 21, 2019 (HOL)-Waxaa aas qaran loogu sameeyay magaalada Jigjiga AUN Abwaan Maxamuud Cabdulaahi Ciise ( Singub ). oo maanta barqadii maydkiisa la keenay magaalada Jigjiga.

Aaska ayaa waxaa kasoo qayb galay dad aad u badan oo  isugu jira Mas'uuliyiin dawladeed Abwaano, Ugaasyo, Odayaal dhaqameedyo,  iyo shacab kale oo dhammaantood ka kala yimid dalalka dariska.

Dadkii kasoo qayb galay Aaska ayaa goobtii kasoo jeediyay taariikhda Abwaanka AUN oo kooban, waxaa sidoo kale goobta aaska ku sugnaa eheladii Abwaan Singub, waxaana ugu dambayn marxuumka loogu duceeyay inuu Ilaahay u naxariisto, Jannatul Firdowsana ka waraabiyo.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]