4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 21, 2019
Galmudug oo deegaannadeeda ka mamnuucday mas'uuliyiinta dowladda Soomaaliya

 

Jimco, June, 21, 2019 (HOL)- War Qoraal ah oo ka soo baxay madaxtooyada dowlad gobolleedka Galmudug ayaa looga mamnuucay deegaannada uu maamulka ka arimiyo mas'uuliyiinta ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Qoraalka ayaa faraya shirkaddaha diyaaradaha ee taga deegaannada Galmudug in aysan soo qaadi karin islamarkaana ka soo dajin karin deegaannada Galmudug mas'uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.

Xiriirka Dowlada Federalka iyo Maamul Goboleedka Galmudug ayaa sii xumaanaya iyadoo dhowaan amar ka soo baxay wasaarada arrimaha gudaha uu ku gacan seyrey Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle.

Dhawaan ayeey aheyd markii Wasaarradda Arrimaha Gudaha xukuumadda Soomaaliya go'aan ka gaartay muddo xileedka madaxda Galmudug iyo guud ahaanba doorashada maamulka oo ay sheegtay Wasaarraddu in la qabanayo bisha July  soo socta.

Balse madaxweynaha dowlad gobolleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa ku gacanseyray warka ka soo baxay Wasaarradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya.

Hoos ka akhriso  Qoraalka deegaannada Galmudug looga mamnuucay mas'uuliyiinta dowladda:

 C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]  
 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]