4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 21, 2019
Meydka Abwaan Sangub oo goor dhaw laga dajiyay magaalada Jigjiga

 


Jimco, June, 21, 2019 (HOL)-Waxaa goor dhaw magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaaliya caga-dhigatay diyaaradii waday meydka Alle ha u naxariisteen Abwaankii weynaa ee Soomaaliyeed Maxamuud Cabdullaahi Ciise Sangub.

Isniintii toddobaadkan ayuu Abwaanku ku geeriyooday  Magalada Addis Ababa, kaddib  xaalado caafimaad oo la soo darsay, waxaana Aaskiisa ka qeyb gelaya mas'uuliyiin ka tirsna dowladda Soomaaliya, iyo  Xubno ka socda Xukuumadda Dowlad deegaanka iyo qeybaha kala duwan ee  Bulshada Soomaaliyeed.

Shalay waxaa Magalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya gaaray wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Salaad Oomaar,sidoo kale Magalada Jigjiga waxaa gaaray Mas’uuliyiin ka tirsan Soomaaliland, Abwaaniin iyo Fanaaniin.

Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise Sangub ayaa siweyn looga garanayay guud ahaanba gayiga Soomaalida isaga oo ahaa Abwaan ku darran sameynta ruwaayadaha iyo waliba heesaha caanbaxay oo intooda badan uu ahaa Abwaankii curiyay.

Geeridiisa oo siweyn looga dareemay guud inta Afka Soomaaliga looga hadlo ayeey gaar ahaan si gaar ah u taabatay bahda Fanka oo sheegay in uu ka baxay qof tiir dhaxaad u ahaa dhaqanka iyo suugaanta Soomaaliyeed. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]