Jimco, June, 21, 2019 (HOL)-Madaxweynha Mareykanka Donald Trump ayaa amar ku bixiyay in diyaaradaha Military ee Mareykanku ay duqeeyaan Iiraan,sida ay baahinayaan warbaahinada Caalamka.
War Qoraal ah oo uu daabacay Wareggeyska Newyorka Times, ayaa
sheegaya in madxweyne Trump uu bixiyay awaamiir laxiriirta duqeymo ka
dhan ah Iiraan,balse uu dib uga laabtay go’aankaasi markii ay diyaaraha
dagaalku ay hawada galeen, ayna isku diyaariyeen duulaanka Iiraan.
Sidoo kale maraakiibta dagaalka Mareykanka ayaa dagaal u diyaar
garoobey,ilaa iyo haatan Lama oga sababta go’aankaasi uu u qaatay
Trump,balse wararka ayaa sheegaya in aysan la qabin Wasiirka Arrimaha
dibadda Mike Pompeo iyo Johon Bolton oo ah,lataliyhaha amniga ee Trump.
Inkastoo xiisada Mareykanka iyo Iiiraan ay soo jiitamaysay, ayaa
hadana Mareykanku ka carooday diyaarad ay lahayn Washington oo ay soo
riiday Iiiraan,iyadoo ku sheegtay in si gar daro ah ku soo gashey hawada
dalkeeda,diyaaradaasi oo la sheegay in qiimaheedu uu ku fadhiyay 130
Milyen oo Dollar.
Madaxweynaah Dalka Mareykanka Donald Trump ayaa xaruumaha uu amray in
la duqeeyo waxaa kamid ah,dhismayaasha Raadeerka,iyo kuwo
Militari,balse iiraan ayaa sheegtay in ay is difaacayso ayna ka
gorgortamin arrimaha qadiyada dalkeeda.
Dhanka kale Nanci Palosi oo ah Guddoomiyaha Aqalka Congress-ka ee
Mareykanak ayaa ugu baaqaday Trump in uu ka digtoonaado in uu isku sii
furo xaalado cakiran,waxaana ay xustay in Mareykanku uusan haatan diyaar
u ahayn dagaal lala galo dalka Iiraan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]