Jimco, June, 21, 2019 (HOL) -Magaalada
Jigjiga ee xarunta u ah Ismaamulka Soomaalida waxaa ka soconaya qabanqaabadii
ugu danbeysay Aaska meydka Alle ha u naxariisteen Abwaankii Soomaaliyeed
Maxamud Cabdullaahi Ciise Sangub.
Abwaanka oo bilihii ugu
danbeeyayba xanuun la ildarnaa ayaa dhawaan ku geeriyooday magaalada Addis
Ababa ee dalka Itoobiya kaddib markii sida la sheegay lagu sameeyay qaliin.
Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda
Soomaaliya, Abwaanno iyo Fanaanniin ayaa ku sugan magaalada Jigjiga kuwaa oo
halkaa ku tagay ka qeybgalka Aaska Marxuumka.
Abwaan Sangub ayaa ka mid ahaa
shaqsiyaadka dhinaca Sugaanta ugu magac-dheeraa guud ahaanba gayiga Soomaaliya,
waxaana lagu tirayaa in uu yahay Abwaankii lahaa ruwaayadihii ugu badnaa ee
loogu jeclaa Soomaaliya.
Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamuud
Cabdullaahi Ciise “Sangub” ayaa ku dhashay deegaan ka tirsan dhulka ismaamulka
Soomaalida Itoobiya horaantii 1944tii waxana uu ka mid ahaa Abwaanada ugu
weynaa taariikhda Ummadda Soomaaliyeed isaga oo sameeyay ruwaayado iyo heeso
badan oo caan ka ah dalka.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]