4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 20, 2019
Shil gaadhi oo saakay ka dhacay duleedka magaalada Godey

 

Khamiis, June, 20, 2019 (HOL) - Shil gaadhi ayaa saaka ka dhacay duleedka magaalada Godey ee Degaanka Soomaalida dalka Itoobiya, gaadhiga shilka galay oo ahaa Bas ay leedahay Shirkadda Falcon coach Bus, ayaa ka yimid dhanka magaalada Godey wuxuuna u socday magaalada Jigjiga.

Khasaaraha shilkan ka dhashay ayaa isugu jira dhaawac iyo dhimasho kasoo gaadhay rakaabkii saarnaa basksn, waxaana dhaawicii lagu dawaynayaa Isbitaalka magaalada Godey.

Shirkadda Falcon coach ee baskan iskale ayaa horey dhawr jeer shilal kala duwan ugu gashay degaanka, waxayna markan noqonaysaa markii saddexaad iyadoo dadkuna ay markan shaki ka qaadeen adeegga ay shirkadani bixinayso.

Mas'uuliyiinta Falcon coach Bus ayaan wali ka hadlin shilalka soo noqnoqday ee mudada yar galeen Basaskoodu iyo cilladu halkay tahay iyadoo qadarka Alle uu jiro.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]