4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 20, 2019
Dowladda Soomaaliya oo dalka keennaysa haween u carruur dhalay dagaalyahannada Daacish ee dalka Ciraaq

Khamiis, June, 20, 2019 (HOL)- Dowladda Soomaaliya ayaa markii u horreysay xaqiijisay in dalka la keeni doono haween Soomaali ah oo u carruur dhalay dagaal-yahannada Daacish ee ku sugan dalka Ciraaq.

Haweenkan ayaa laga diidday dalalkii ay markii hore  ka tageen, waxaana dhibaato nolaleed ay ku heysata dalka Ciraaq, sida uu xaqiijiyay safiirka Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub Amb. Cali Siciid Fiqi.

"Dowladda Soomaaliya waxa ay ka shaqeynaysaa gabdho Soomaaliyeed oo carruur leh oo ku dhibaateysan dalka Ciraaq qaybta Kurdida, gabdhahaas oo markii hore maskaxdooda la qalday oo argagixisada ay qaldeen carruur badana meesha ku dhaleen, waddamadii ay ka tageena ay diiddan yihiin." ayuu yiri Ambassador Cali Siciid Fiqi oo inta ku daray "Waxa ay dowladda Soomaaliya go'aansatay inay dalka dib ugu soo celiso."

Wuxuu hadalkan ka sheegay safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub xuska maalinta Qaxootiga adduunka oo lagu qabtay caasimadda Muqdisho.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]