4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 20, 2019
Madaxweynaha Galmudug oo eedeyay dowladda federaalka

Khamiis, June, 20, 2019 (HOL)- Madaxweynaha dowlad-gobolleedka Galmudug, Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo maanta suxufiyiinta kula hadlay magaalada Dhuusamareeb oo uu dib ugu soo laabtay ayaa dowladda federaalka ku eedeyay faragelin.

Wuxuu xadgudub ku tilmaamay warqadii ka soo baxday wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ee looga hadlay muddada xil heynta madaxweynaha Galmudug iyo doorashada maamulka ka dhacaysa.Madaxweynaha Galmudug, wuxuu si deg deg ah ugu yeeran wasiirrada iyo xildhibaannada oo uu marka ugu baaqay in loo baahanyahay wada-tashi.

"Howsheenu ha ahaato aan is difaacno,Howsheenu ha ahaato aan is ilaalino,Howsheenu ha ahaato aan isku tashano." ayuu yiri madaxweynaha Galmudug.

Docda kale, madaxweynaha Galmudug oo markii ugu horreysay ka hadlay dad dil wadareed loogu geystey magaalada Gaalkacayo, sababo la xiriira heeb sooc ayaa sheegay in dadkii la laayay ay ka dambeeyeen askar ka tirsan ciidammada xoogga dalka, kuwaas oo uu sheegay in ay ka amar qaataan dowladda Federaalka, maamulkiisana uusan waxbo ka qaban karin.

Waxase uu intaas ku daray in hal askari oo ka tirsan booliiska Galmudug uu ka mid ahaa askarta dadka laysay, kaasina uu xiranyahay.Horey maamulka Galmudug ayaa sheegay in ay xireen askar fulisay dil kale oo dhacay.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]