4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 20, 2019
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo la kulmay guddi loo saaray dhacdadii dadka lagu laayay ee Gaalkacyo

 

Khamiis, June, 20, 2019 (HOL)-Gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan ayaa kulan la qaatay guddigii dhawaan uu soo magacaabay Cabdi Casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya.

Guddigan ayaa u xilsaaran inay baaraan dilal ka dhacay magaalooyinka Dhuusa mareeb iyo Gaalkacyo ee Galmudug ay maamusho, dilalka ayaa loo geystay dad ka soo jeeda deegaanada Koofur Galbeed,

Waxaa la qorsheynayaa Guddigaan oo isugu jira xildhibaanno,Wasiirro iyo waxgarad ka soo jeeda deegaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya in ay gaaraan magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug, halkaasi oo lagu dilay dad ka badan 10 ruux.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayay la wadaageen macluumaad ku saabsan howsha loo xilsaaray iyo sida ay ku wajahayaan falalkaasi ka dhacay magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Gaalkacyo.

Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan Guddoomiyaha Golaha ayaa shaaca ka qaaday inay magacaabeen guddi ka kooban 13 Xildhibaan ah oo baaritaanno ku sameeya dhacdooyinka ka dhacay deegaannada galmudug.

Maamulka Galmudug ayaa horey u sheegay in ay baadi goob ugu jiraan dadkii ka dambeeyay falalkaasi ka dhacay Gaalkacyo iyo Dhuusamareeb, Cadaaladdana ay hor keeni doonaan dadkii ka dambeeyay dilalalka.

Nurre Mohamed Ali
[email protected]