4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 20, 2019
Guddiggii ay xukuumaddu u saartay maalmaha xorriyada oo kulmay


Khamiis, June, 20, 2019 (HOL)-Maxamed Cabdi Xayir Maareeye Wasiirka warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa guddoomiyay kulan ay ku yeesheen muqdisho Guddiga qaban qaabada Todobaadka xorriyadda Soomaaliya ee uu magacaabay Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya..

Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya’ Khadiija Maxamed Diiriye iyo Mas’uuliyiin kale ayaa kulan goob joog ka ahaa iyadoo inta uu socday kulanka looga hadlay diyaar garoowga Todobaadka xorriyadda oo ay ka harsan yihiin Maalmo kooban.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya gudigaan uu magacaabay ayaa ka shaqeeyn doona qaban qaabada munaasabadaha loogu debaaldagayo maalmaha xoriyadda ee 26-ka June iyo 1-da Luulyo.

Markii ugu horreysay ee Calan Soomaaliyeed laga taago Gobollada Waqooyi waxaa ay aheyd 26-ka June 1960-kii halka 1-da Luulyo loo dabaaldego markii ay xorrimada qaateen Gobollada Koofureed ee Dalkeenna iyo midowgii Labada Gobo lee Waqooyi iyo Koofur ee Soomaaliya.

Meelo kala duwan oo gudaha dalka iyo dibediisaba waxaa ka socdo diyaargarow xoogan oo loogu jiro xuska maalmaha xoriyadda Soomaaliya.

Nurre Mohamed Ali
[email protected]