Baarlamaanka Carabta oo Kenya ugu baaqay in ay Faraha kala baxdo Biyaha Soomaaliya
Khamiis, June, 20, 2019 (HOL)-Bayaan kasoo baxay kalfadhiga Afaraad ee Baarlamaanka Carabta oo lagu qabtay Magaalada Qaahira ayaa laga soo saaray baaq ku aaddan in Biyaha Soomaaliya ay yihiin hanti Carbeed.
Bayaan kasoo baxay kalfadhiga Afaraad ee Baarlamaanka Carabta oo lagu
qabtay Magaalada Qaahira ayaa laga soo saaray baaq ku aaddan in Biyaha
Soomaaliya ay yihiin hanti Carbeed.
Baarlamaanka Carabta ayaa gaashaanka u daruuray sheegashada beenta ah
ee ay Kenya ku dooneyso in ay ku calaamadaysato Baadda Soomaaliya.
Sidoo kale wuxuu Baarlamaanka Carbeed ka hor yimid Fara gelinta
arrimaha Soomaaliya iyo in lagu xad gudbo arrimaha gudaha ee
Dalkeeda,mabaadii’da deris wanaagga iyo heshiisyada caalamiga ah.
Baarlamaanka ayaa sidoo kale Dowladaha Carbeed ugu baaqay in ay
Soomaaliya Garab istaagaan, oo dedaal ugu jirto sugidda amniga iyo sidii
ay u cirib tiri lahayd argagixisada.
Bayaanka kasoo baxay Baarlamaanka Carabta oo turjuman ayaa u qornaa sidan.
Baarlamaanka Carbeed waxa uu taageerayaa Jamhuuriyadda Soomaaliya si
loo dhowro midnimadeeda, nabadgelyadeeda, deganaanshaheeda, bedqabka
dhulkeeda, xorriyaddeeda, milgaheeda, Beri, Bad iyo Cir , waxa uu ugu
baaqayaa Kenya in ay faraha kala baxdo Biyo Goboleedka Jamhuuriyadda
Soomaaliya, oo ah qeyb aan ka go’ayn biyaha Carbeed oo lama taabtaan ah,
waxa uu ku gacan seyrayaa sheegashada beenta ah ee ah calaamadeyn cusub
oo raad lahayn, xaqiiqdana ka fog, sidoo kale waxa uu ganafka ku
dhufanayaa hanjabaadda faragelin ee Kenya ee arrimaha gudaha Soomaaliya
iyo ku tumashadeeda mabaa’diida deris wanaagga iyo heshiisyada
caalamiga.
Baarlamaanka Carbeed waxa uu ugu baaqayaa wadamada Carbeed ee
xushmadda mudan in ay garab istaagaan Jamhuuriyadda Soomaaliya oo
tallaabooyin wanaagsan u qaadaysa dhinacyada ammaanka, deganaanshaha iyo
ka takhalusidda argagaxisada iyo waxyaabaha ka hor’imaanaya xuquuqul
insaanka.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]