4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 20, 2019
Shirkii horumarinta xanaanada xoolaha oo Muqdisho lagu soo gaba gabeeyay


Khamiis, June, 20, 2019 (HOL) – Shirkan oo looga hadlayay dejinta qorshaha hormarinta xoolaha Soomaaliyeed ayaa muddo saddex maalmood ah ka socday magaalada Muqdisho .

Waxaa ka qayb galay shirka xubno matalayay Wasaaradaha xanaanada xoolaha Dowlad goboleedyada dalka , bangiga aduunka ee world bank, hay’ada cunada iyo beeraha u qaabulsan Qaramada midoobe ee FAO, xubno kasocday hay’adaha deeq bixiye yaasha, UN-ka ,EU, qaar kamid ah dadka xoolo dhaqatada ah ee Soomaliyeed, ganacsato iyo marti kale.

Wasiirka wasaaradda xanaanada xoolaha dhirta iyo daaqa xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya Xuseen Maxamuud sheikh Xuseen oo shirka soo xiray ayaa waxa uu sheegay in ay tahay markii ugu horeysay ee dib u eegis lagu sameeyo burburkii kadib qorshaha hormarinta xoolaha Soomaliyeed loona diyaariyay istaraa tiijiyad dhamaystiran oo laga wada tashaday.

Xuseen Maxamuud Sheekh Xusseen Wasiirka Wasaaradda xanaanada xoolaha Soomaaliya oo aqriyay qodobada warmurtiyeedkii kasoo baxay shirka ayaa waxa uu sheegay in shirka looga hadlay sidii xoolaha Soomaaliyeed loogu heli lahaa daaqasin iyo biyo nadiif ah.

Nurre Mohamed Ali
[email protected]