4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 20, 2019
Wasiirro Arrimo dibaddeedka Wadamada ku jira Urur gobolleedka IGAD oo ku kulmay Addis Ababa

 

Khamiis, June, 20, 2019 (HOL) – Magaalada Addis Ababa waxaa kulan ku yeeshay Wasiirada Arrimaha Dibbada wadamada ku jira urur goboleedka IGAD.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb-galay Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Itoobiya, Jabuuti, Kenya, Koonfurta Suudaan, Suudaan iyo Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Uganda.

Wasiirrada Arrimaha Dibadda wadamada xubnaha ka ah IGAD waxaa ay ka doodeen xaaladda Suudaan iyo horumarka laga gaaray howlaha taabagelinta dib u noolaynta geedi socodka Koonfurta Sudan.

Waxaa dhawaan dalka Sudan booqasho ku tegey ra’iisul Wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Ahmed isagoo waanwaan ka dhex bilaabay dhinacyada isaga soo horjeeda siyaasada dalka 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]