4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 20, 2019
Astaan cusub oo uu yeeshay Xisbiga dowlad deegaanka Soomaalida

 

Khamiis, June, 20, 2019 (HOL) - Kulan maalintii shalay ay yeesheen Xubnaha Golaha dhexe ee Xisbiga Dimuqraadiga Soomaalida ayaa lagu ansixiyay astaanta cusub ee uu yeelanayo Xisbigu.

Haddaba dhawaan ayeey ahayd markii Shirwaynihii XDS ee u dambeeyay lagu go'aamiyay in Astaanta iyo Magaca Xisbiga is baddal lagu sameeyo.

Xisbiga Dinuqraadiga Soomaalida ayaa ah Xisbiga hoggaanka u haya dowladda deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya waxaana is baddal lagu sameeyay qaab dhismeedkii Xisbiga iyadoo ay u dambaysay is baddalkii dhanka Astaanta ee maanta la ansixiyay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]