4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 2 , 2019
Madaxweyne Waare : Ma aqbaleyno kala qeybinta Galmudug

 

Axad, June, 02, 2019 (HOL)-Madaxeynaha dowlad gobolleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare oo xalay khudbad ka jeedinayay munaasabad ka dhacday magaalada Beledweyne ayaa sheegay in marnaba aysan aqbali doonin dhankooda kala qeybta maamulka Galmudug.

“Shacabka Hirshabelle gaar ahaan reer Hiiraan waxay walaac aan la qiyaasi karin ka qabaan xaalada murugsan ee ka jirta Galmudug, koonfur anaga oo sidaasi ula tacaaleyno inay waqooyi naga xiranto ma yeeleyno, wixii ka qeyb qaadanaya kala qeybinta inay joojiyaan ayaan ugu baaqayaa” ayuu yiri Madaxweyne Waare.

Dadka Reer Galmudug xilligaan uma baahna siyaasad iyo kala qeyb qeybin iyo in olole lagu galo balse waxay u baahan yihiin isku soo dhaweyn iyo waxqabad dhab ah” ayuu intaas ku daray Madaxweyne.

Dhibaatooyin ayuu sheegay iney ku soo kordheen wadada xiriirisa gobolada Hiiraan iyo Galgaduud isagoo xusay in marnaba Hirshabelle aysan dooneyn inay wadadaas xiranto, waxaana baaq uu u diray Xildhibaanada Golaha Shacabka ee ka soo jeeda deegaanada Galmudug iyoi Hirshabelle.

Hadalka madaxweynaha Hirshabeelle ayaa imanaya xili wali uu taagan yahay khilaafka u dhaxeeya madaxda ugu sareysa dalka iyo dowlad gobolleedka Galmudug kddib shirkii lagu kala tagay ee magaalada Garoowe.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]