4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 19, 2019
Maamul cusub oo loo magacaabay degmada Burtinle ee gobolka Nugaal

Arbaco, June, 19, 2019 (HOL)-  Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maamul cusub oo kumeelgaar ah u magacaabay degmada Burtinle ee gobolka Nugaal,sida ku cad digreeto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha.

Guddoomiyaha kumeelgaarka ah ee degmada Burtinle ayaa loo magacaabay, Cabdirisaaq Maxamed Faarax (Dihaal) , halka guddoomiye ku-xigeenka kumeelgaarka ah ee degmada Burtinle loo magacaabay Maxamed Cabdixakiim Geelle .

Magacaabiista maamulka kumeel-gaarka ah ayaa timid kaddib markii uu madaxweynaha Puntland maanta kala diray golihii deegaanka ee degmada Burtinle.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]