4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 19, 2019
Madaxweynaha Puntland oo kala diray golaha deegaanka ee degmada Burtinle

Arbaco, June, 19, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xeer madaxweyne ku kala diray golaha deegaanka ee degmada Burtinle oo ka tirsan gobolka Nugaal.

Digreetada uu ku kala diray madaxweynaha Puntland golaha deegaanka ee Burtinle oo maanta ku taariikheysan ayaa lagu caddeeyay inuu qaaday  tal-soo jeedin ka timid wasaaradda arrimaha gudaha .

Sidoo kale, kala dirista golaha deegaanka ee Burtinle ayaa ku soo aadday kaddib markii ay shalay is casileen xubno ka tirsan golaha deegaanka, iyadoo hadda talaabada xigta ay noqonayso wasaaradda arrimaha gudaha inay u soo dhisto degmada Burtinle gole deegaan.

Hoos ka akhri wareegtada;

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr-28 ee Juun, 19, 2019, ku kala dirid Golaha Deegaanka ee Degmada Buurtinle.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda
Puntland.

Markuu tixgeliyey: Is casilaaddii Golaha
Deegaanka Degmada
Burtinle.

Markuu Qiimeeyey: Tala soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa la kala diray Golaha Deegaanka Degmada Buurtinle.

2. Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]