4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 19, 2019
Baarlamaanka Soomaaliya oo meel mariyay sharciga maareynta Maaliyadda

 

Arbaco, June, 19, 2019 (HOL)-Xildhibaanada Golaha Shacabka  oo maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay xaruntooda ayaa meel mariyay sharciga Maareynta Maaliyadda.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ahaa 141 xildhibaan, waxaana dood dheer kadib  ogolaatay meelmarintiisa 135 Mudane halka 6 Xildhibaan ay diideen in la  ansixiyo.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sh. Cabdiraxmaan ayaa Ku dhawaaqay Natiijada Codeyntii Maanta ee lagu ansixiyay Sharciga Maareynta Maaliyadda dalka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa dhinaca kale digniin u diray xubnaha  ka maqan kulamada,isagoo xusay in xeer hoosaadka lala tiigsan doono  xildhibaankii sabab la”aan u maqan.

 C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]