4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 19, 2019
Masar oo ka hortimid in la baaro geerida Mursi

 

Arbaco, June, 19, 2019 (HOL)-Masar ayaa maanta ku eedeysay QM inay siyaasadeeneyso geerida madaxweynihii hore ee dalkaas Maxamed Mursi, ayada oo ku baaqeysa “baaritaan madax-banaan” oo lagu sameeyo sababta uu u dhintay.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha diebdda Masar, Ahmed Hafez ayaa “sida ugu xooggan” u cambaareeyey baaqa afhayeenka guddiga QM ee xuquuqda aadanaha, Rupert Colville oo dalbaday in si madax-banaan loo baaro geerida Mursi oo Isniintii ku dhintay maxkamad ku taalla Qaahira.

Hafez ayaa sheegay in tani ay tahay “isku day ula kac ah oo lagu siyaasadeynayo geeri si caadi ah ku timid.”

Colville ayaa talaadadii dalbaday in la baaro haddii xaaladda xabsigii uu lixda sano ku jiray Mursi ay hoggaamisay dhimashadiisa.

“Geeri kasta oo deg deg ah waa inay daba socotaa baaritaan deg deg, cad, oo dhex-dhexaad ah, oo uu sameeyo guddi madax banaan” ayuu yiri Colville.

Xafiiska dacwad oogaha guud ee dalka Masar ayaa sheegay in Morsi oo 67 jir ahaa uu Isniintii ku dhacay maxkamadda Qaahira oo lasoo taagay kadibna uu geeriyooday.

Waxa uu intaas ku daray in Morsi uu u muuqday qof dhiifoon markii uu maxkamadda la hadlayey, hase yeeshee uu miir belay shan daqiiqo markii uu hadlayey kadibna uu dhacay.

Teleefishinka dawlada Masar ayaa sheegay in Mursi markiiba loola cararay cusbitaalka, laakin markii la geeyay uu u geeriyooday wax u muuqday wadnaha oo istaagay.

VOA