4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 19, 2019
Maamulka gobolka Banaadir iyo Taliska Booliska oo ka wada-hadlay amniga caasimadda

Arbaco, June, 19, 2019 (HOL) - Maamulka gobolka Banaadir iyo taliska ciidanka booliska ayaa kulan xalay ku yeeshay xarunta taliska qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir,iyadoo kulanka looga hadlay amniga caasimadda Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa shir gudoominayay guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow,isla markaana ka qeyb galay taliyaha ciidanka booliska sarreeye Gaas Bashiir Maxamed Cabdi Ameeriko iyo guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasada gobolka Maxamed Cabdullaahi Tuulax iyo Saraakiil ka tirsan laamaha amniga dowladda.

Intii uu socday kulanka ayaa waxaa looga hadlay dardargelinta hawlaha amniga caasimadda,isla markaana waxaa guddiga kormeerka laga dhageystay warbixinta 24kii saac ee lasoo dhaafay.

"Waxaan xalay yeelanay shirkii habeenlaha ahaa ee amniga Caasimadda kaas oo aan habeen walba uga hadalno dardargelinta hawlaha Amniga Caasimadda iyadoo guddiga kormeerka aan ka dhagaysanay warbixinta 24kii saac ee lasoo dhaafay." ayuu yiri Maxamed Cabdullaahi Tuulax.

Kulanka ayaa ku soo aadday xilli ay socdaan dadaallo lagu xaqiijinayo nabad-galyadda caasimadda Muqdisho.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]