4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 19, 2019
Baarlamaanka Soomaaliya oo kulan leh

Arbaco, June, 19, 2019 (HOL) - Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay maanta ku shiraan xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho.

Ajandaha kulanka maanta ee xildhibaannada ayaa waxaa uu yahay akhrinta 3-aad hindise sharciyeedka maamulka maaliyadda.Waxaana la filayaa in kulanka ay goobjoog ka noqdaan xubno ka socda Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda  Soomaaliya.

Maalintii Isniinta ayay aheyd markii Xildhibaannada golaha shacabka ay Akrinta koowaad marsiiyeen xeerka wax ka beddelka sharciga Iibka Qaranka.

Sidoo kale,xildhibaannada ayaa waxaa loo qeybiyay sharciga dhismaha guddiga madaxa bannaan ee la-dagaallanka Musuq maasuqa.

Ammaanka xarunta golaha shacabka ayaa saakay aad loo adkeeyay, iyadoona waddooyinka soo gala xarunta la soo dhigay ciidammo badan.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]